Madaxtooyada Oo Orod Iyo Kala Carar Ka Jiro + Siilaanyo Oo Isku Shaandhayn Soo Saaraya Iyo Wasiiro Badan Oo Banaanka Sii Taagan + Rag Waraaqo Sita Oo Kayuu Ku Jira

0
338

 

Madaxtooyada Somaliland ee Hargaysa waxa la sheegayaa in isku dhex yaac dhinaca masuuliyiinta ah ka jiro ilaa saakana laguma kala bixin sababtuna waxa lagu sheegay in Madaxwaynuhu soo saarayo isku shaandhayntii uu siyaasadda iyo kursiga kaga tagi lahaa.

Wasiiro iyo masuuliyiin dhawr ah ayaa la sheegayaa in ay banaanka sii tageen ka dib markii ay ka war heleen in ay ku jiraan dadka banaanka la dhigayo ee isku shaandhayntu qaadatay.

Waxa loo badinaaa in wajiyo cusub ku soo biiraan golaha wasiirada Axmed Maxamed iyaga oo ay jiraan rag badan oo waraaqo sita kayuuna ugu jira goobta waraaq qabashada madaxtooyada Hargaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here