“Madaxwaynaha Ayaa Ka Dambeeyay Toogshadii La Ii Gaystay”Mauul Sare Oo Ku Dhawaaqay War Lama Filaan Ah(DAAWO)

0
323
Tundu Lissu ayaa bishii September ka badbaaday iksu day dilTundu Lissu ayaa bishii September ka badbaaday iksu day dil

“Madaxwaynaha Ayaa Ka Dambeeyay Toogshadii La Ii Gaystay”Mauul Sare Oo Ku Dhawaaqay War Lama Filaan Ah(DAAWO)

Hogaamiyaha mucaaradka Tanzaniya Tundu Lissu ayaa u sheegay wargayska Financial Times in uu u malaynayo in la isku dayay in la qaarajiyo.

Tundu Lissu ayaa 16 xabadood lagu dhuftay meel ka baxsan gurigiisa oo ku yaalla Dodoma bishii September ee sanadkan.

Waraysigii ugu horreeyya oo uu bixiyo Mr Lissu ayuu ku eedeeyay madaxwayne John Magufuli,in uu wado olola uu ku doonayo in dalka uu ka dhigo mid uu xukumo kaligii taliye.

“Waxa uu doonayaa in uu ka taqaluso xisbiyada siyaasada,uu meesha ka saaro saxaafada,uuna ka taqaluso kooxaha bulshada rayidka uuna aamusiiyo kaniisdaha”ayuu yiri Mr Lissu.

Afhayeen u hadlay dowladda Tanzaniya Hassan Abbas, ayaa u sheegay wargayska Financial Times in eedeeynta Mr Lissu ay tahay mid aan loo meel dayin.

Mr Lissu ayaa sheegay in toogashadiisa ay ka dambeeysay ka dib markii muddo seddex toddobaad ah uu daba socda gaari uu ka shakiyay.

“Waxaa la ii sheegay ,sababtoo ah ma aanan tirin Karin xabadda in 38 xabadood gaarigayga lagu dhuftay 16 ka mid ah ayaana igu dhacday.”ayuu yiri Mr Lissu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here