Madaxweyne Siilaanyo Oo Shir Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Golaha Wasiirada Iyo Wefti Beri U Baxaya Sucuudiga + Laba Qodob Oo La Go’aamiyey

0
1975

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shir deg deg ah iskugu yeedhay xubnaha golaha wasiiradii waxaana shirkaasi lagaga hadlay laba arimood oo kala ah.

1- Go’aankii Madaxweynuhu ku cayimaday wakhtiga doorashada

2- Arinta khilaafka dalalka khaleejka carabta iyo taageeradii Somaliland

Qodobka ugu horeeya waxa la xoojiyey sidii ay doorashadu wakhtigeeda ugu qabsoomi lahayd waxaana sidoo kale si wayn loo falanqeeyey khilaafka dalalka Khaleejka carabta iyo saamaynta uu durba ku yeeshay

Xukuumadu waxa ay go’aamiyey isla markaana diyaarisay wefti culus oo beri oo salaasa ah u anba baxaya dalalka Khaleejka gaar ahaan imaaraadka carabta iyo sucuudiga taasi oo dalalkaasi ay kala hadli doonto arimaha xidhiidhka labada dhinac iyo sida ay markasta Somaliland u bar bar taagan tahay xulufada sucuudigu hogaaminayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here